Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ganacsade u Ololeyn Jiray Taakuleynta Agoonta oo Muqdisho Lagu Dilay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 04 2008
Ganacsade u Ololeyn Jiray Taakuleynta Agoonta oo Muqdisho Lagu Dilay
Written by Ali Moallim   
Friday, 04 July 2008

Mogadishu,(insidesomalia.org)-  Waxaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya alle ha u naxariistee Cabdikariin Shiikh Ibraahim oo ka mid ahaa Ganacsatada sida weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa isagoo ka tegay Suuqa Bakaaraha waxay kooxo hubeysan ku toogteen inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Degmada Hodan, kuwaasi oo markii ay dilka geysyeen kadib baxsaday.

Alle ha u naxariistee Cabdikariin Shiikh Ibraahim marka laga soo tago in uu ahaa Ganacsade si weyn loo yaqaan Soomaliya,waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed, wuxuuna gacanta ku hayay Agoon gaareysa 1060 agoon ah oo laga soo kala uruuriyay Magaalooyinka Muqdisho, Burco iyo Marka.

Xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta Agoonta Maxamed Rashiid Shiikh Xasan ayaa sheegay in intii aan Marxuumka la dilin ay daqiiqado ka hor ka wada hadlayeen sidii waxbarasho jaamacadeed loogu heli lahaa qaar ka mid ah Agoonta ay gacanta ku hayaan oo soo dhameystay Waxbarashada Dugsiga sare.

Sidoo kalena, Afhayeenka Ciidamada Boliska Federaalka KMG ah Soomaaliya Col. Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka hadlay dilka Marxuumka ayaa wuxuu cambaareeyay kooxihii dilay, wuxuuna sheegay in agoontii uu Marxuumka gacanta ku hayay ay mar kale sii agoontoobeen.

Ugu dambeyntiina, Agoonta uu gacanta ku hayay Marxuum Cabdikariin Shiikh Ibraahim ayaa waxay yihiin kuwo ay xanaaneyn jirtay Hay’ad lagu magacaabi jiray Al-xarameyn, taasi oo uu Mareykanka ku soo rogay xayiraad wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen qaraxyadii 11-kii September ee dhulka la simay Daarihii mataanaha ahaa Twin Towers ee ku yaalay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >